312 Views

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo maanta markale xukun dil toogasho ah ku fulisay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo  maanta markale xukun dil toogasho ah ku fulisay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 1, 2022

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta markale xukun dil toogasho ah ku fulisay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay fagaare ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ninka toogasho lagu fuliyey ayaa waxaa lagu magacaabi jirau Cabdullahi Cali Aadan, sida ay shaacisay maxkamadda ciidamada oo 2020-kii ninkan ugu xukuntay dil toogasho ah, kaas oo ugu dmabeyn maanta lagu fuliyey kadib markii lagu qisaasay koonfurta Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa ku eedeysay Cabdullaah inuu dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalada Gaalkacyo, waxaana ka mid eedaha loo jeediyey dilkii Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare kaas oo lagu dilay weerar toos ah oo 2018 lagu qaaday xarun uu ku lahaa Gaalkacyo.

Fagaaraha lagu toogtay ninkan horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda ciidamada iyo mas’uuliyiinta Gaalkacyo

Maalmihii u dambeeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa suu kordhisay fulinta dilalka toogashada ah, wuxuuna ninkan noqonayaa qofkii siddeedaad ee muddo ku siman 15 cisho gudahood toogasho lagu fuliyo.

Qorshaha dowladda dhexeayaa ah in labada bil ee ka harsan sanadkan 2022-ka in lagu dhameeyo toogashada dadka xukuman, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadk

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post