495 Views

Jubbaland oo eedeyn u jeedisay Dowladda Soomaaliya

Jubbaland oo eedeyn u jeedisay Dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: JULY 28, 2022

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DG Jubbaland Cabdiraxmaan Axmed Cabdi oo ka hadlay wixii maamulkaas kasoo gaaray  lacag dhan 1 Milyan ah oo ay Xukuumadii Rooble ugu tala gashay gurmadka abaaraha, ayaa sheegay in Jubbaland aysan lacagtaas waxba ka helin, balse la siyaasadeeyay.

“Barnaamijka lacagta halka Milyan ah waa la siyaasadeeyay waana arrin cad Jubbaland wax hadda oo ay maanta sheegan karto oo la taaban karo oo ay lacagtaas ka heshay waxaan ka helnay ma jiro oo aan ka ahayn laba jeer oo laba mar lasoo diray min 10 kun waxkale oo ay Jubbaland heshay ma jiro.” Ayuu yiri Wasiirka Gargaarka DG Jubbaland.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in deeqda Doaladda Soomaaliya ay hesho sida raashiinka iyo lacagba aysan soo gaarin Jubbaland, balse taasi badalkeeda lacagihii ama deeqda waxay noqdeen kuwa lagu raadsado xilil kala duwan.

Eedeynta uga timid Dowladda Federaalka Soomaaliya dhanka Jubbaland, ayaa kusoo aadeysa xili deegaano ka tirsan dowlad goboleedkaas ay ka jiro abaar daran oo saameysay dadka iyo duuniyada islamarkaana u baahan in gurmad lala gaaro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post