294 Views

Guddoomiyhii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Cagajoof oo qarax lagu diley

Guddoomiyhii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Cagajoof oo qarax lagu diley
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Qarax xooggan oo jugtiisa inta maqlay inta badan xaafaddaha degmada degmada Jalalaqsi ayaa lagu weeraray Xarunta degmadaasi.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid Is-miidaamin ah waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa qaraxa ku dhintay dad uu kamid yahay Guddoomiyhii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Cagajoof Dabaashe.

Sidoo kale waxaa jira dadka dhaawacmay  oo la geeyay Isbitaalada degmadaas.

Qaraxa ka dhacay Jalalaqsi waxaa uu kusoo aaday, iyadoo isla maanta daqiiqo kahor qarax Is-miidaamin ah lagu burburiyey Buundada degmadda Buulo-burte.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post