1485 Views

Xildhibaan Fiqi “Weerarkii Hotel Saxafi wuxuu ahaa shirqool nagula dili rabay”

Xildhibaan Fiqi “Weerarkii Hotel Saxafi wuxuu ahaa shirqool nagula dili rabay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 15, 2018 —Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka gaabisay wax u qabashadda dadkii Shacabka ahaa ee ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii maalintii Jimcaha aheyd ka dhacay Hoteelka Saxafi ee Muqdisho.

Xildhibaan Fiqi waxaa uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa shirqool la doonaayay in lagu dilo Xildhibaano ka badan 50 oo degan Hoteelka Saxafi ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan ka hadlin weerarkii Saddex geesoodka ahaa ee lagu qaaday Hoteel Saxafi.

Waxaa uu xusay in aysan jirin Cid ka socota dowladda dhexe ee Soomaaliya oo tagtay goobtii ay Qaraxyadu ka dhaceen.

Ciidanka soo weeraray Hoteelka ayuu sheegay in ay wateen dharkii ugu dambeeyay ee loo qeybiyay Ciidanka xoogga iyo Hubkii ugu dambeeyay ee dowladda dhexe looga keenay dalka Jabuuti.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment