852 Views

Afmadow oo loo doortay gudoomiye cusub

Afmadow oo loo doortay gudoomiye cusub
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 10 |  2020
—Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Maxamed Amiin) ayaa noqday gudoomiyaha degmada Afmadow, kaddib markii doorashada ay u gudubtay wareega labaad ayna u tanaasuleen musharixiinta la tarmaysay ee kala ahaa Yuusuf Xasan Xuseen iyo Maxamed Cabdullaahi Xaashi.

Natiijada waxaa ku dhawaaqay Xamse Cabdi Barre gudoomiyaha gudiga madaxa banana ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland.

Waa degmadii ugu horreysay oo Golaha degaanka ay doortaan gudoomiye, waxaana sidoo kale Magaalooyin kale ka socda xulista golaha degaanka.

Wareegii koobaad waxay kala heleen sidan,

Maxamed Amiin 13

Maxamed Cabdullaahi Xaashi 6

Yuusuf Xasan Xuseen 2


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post