780 Views

Itoobiya oo ku eedeeyey dagaal yahano weerarka lagu diley sagaal Sarkaal

Itoobiya oo ku eedeeyey dagaal yahano weerarka lagu diley sagaal Sarkaal
____________________________________________________________________________

.

Isniin, 21 June

Madaxda Itoobiya ayaa ku eedeeyey dagaal yahanada la mamnuucay ee OLA weerarka lagu diley sagaal qof daafaha magaalada caasimadda ee Addis Ababa.

Dadka la diley ayaa waxaa kamid ahaa shaqaalaha dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte, oo 100km u jirta caasimadda, sida uu u sheegay BBC-da madaxa degmada Dirirsa Wakuma.

Wuxuu intaa ku darey mas’uulkani in dadka la diley uu kamid ahaa ruux cabitaanka bunka ah ku iibinayey wadada hareeraheedda.

Dagaal yahanada ayaa u sheegay shaqaalaha dhismaha buundada iney joojiyaan, laakiin way sii wadeen shaqada, maadaama uu ka baqayey inuu waayo shaqadiisa, sidaasi waxaa sheegay mid kamid ah qaraabada dhibanayaasha.

Dhacdooyinkan oo kale maaha kuwo ku cusub ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, maadaama uu wali socdo dagaalka ay kula jiraan kooxaha ka dagaalamaya galbeedka iyo koonfurta gobolka Oromada.

Saraakiisha ayaa sheegay in kastoo ay jiraan walaac la qabo oo ku saabsan ammaanka, haddana inaaney saameyneyn doorashada guud ee dhaceysa maanta oo Isniin ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post