720 Views

Goodax Barre “ Ra’isul Wasaare Rooble waxaan leeyahay dhiig yuusan ku daadan Hiiraan Nabadoonimadaada hala arko.

Goodax Barre  “ Ra’isul Wasaare Rooble waxaan leeyahay dhiig yuusan ku daadan Hiiraan Nabadoonimadaada hala arko.
____________________________________________________________________________

Sabti: August 21, 2021

Wasiirkii hore waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo ka hadlayay doorashooyinka xildhibaanada labada gole e ka dhacaya Hirshabeelle, ayaa ka digay in magaalada Baladweyne dhiig ku daato, doorashadana loo wareejiyo magaalada Jowhar.

” Ra’isul Wasaare Rooblow, waxaan rajeynayaa in aad si wanaagsan uga warhayso xaaladda lagu dhisay Hirshabelle iyo tabashooyinka ka jira, sidaan ognahay dalka doorasho ayuu u dareeray, reer Baladweynana diyaar ayey u yihiin in Guddiga Doorashooyinka si nabad-galyo leh u soo dhaweeyaan. Haddii aad ku raacsantahay in magaalada Baladweyne dhiig lagu daadiyo, doorashadana Jowhar loo wareejiyo, Rooblow barasho wanaagsan. Haddii aadan ku raacsaneyn, nabaddoonimadii lagugu bartay reer Hiiraan hakaa arkaan.”

Sidoo kale Hadalkan kasoo baxay wasiirkii hore waxbarashada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo weli aan xal loo helin tabashooyinka ka jira dhismaha maamulka Hirshabelle, dhinaca kalena la filayo in halkaasi ay ka dhacaan doorashooyinka labada Aqal ee BFS.   

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post