1005 Views

Sucuudiga iyo Thailand oo xiriir soo ceshaday 30 kadib dahab uu xaday nin u dhashay Thailand

Sucuudiga iyo Thailand oo xiriir soo ceshaday 30 kadib dahab uu  xaday nin u dhashay Thailand
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 26, 2022

Nin u dhashay dalka Thailand oo adeege ahaa dadka qaarna ay sheegeen in uu waardiye ahaa una shaqaynayay Amiir Faysal oo uu dhalay boqor Fahad ayaa xadaday dhab iyo waxyaabo ale oo qaali ah oo uu ku jiro dheeman konton karate ah oo naadir ayaa sabab u noqday in dalalka Sacuudiga iyo Thailand ay col ahaadaan oo xiriirka diblomaasi kala jartaan muddo 3o sano ah.

Dahabkaas iyo waxyaabahaa kale ee qaaliga ah ayaa laga xaday guri uu leeyahay mid ka mid ah amiirada boqortooyaa Sacuudiga waxaana markii dambe ka dhashay dilal xiriir ah oo lagu ugaarsanayo dad la tuhmayey iyo kuwo kaleba .

Haatan ayaa labada dal soddon sano ka dib waxay go’aansadeen in arrintaa ay iska iloobaan oo ay dib u soo celeiyaan xiriirkii dilomaasi oo ay lahaayeen waxayna ku timid arrintan wadahadal laga yeeshay arrintan laakiin ma cadda sida ay labada dhinacba uga tanaasuleen tabashooyinkii ay qabeen

Arrrinta la yaabka leh ayaa in labo dal sida Tahiland iyo Sacuudiga ay arrintan oo ah dahab iyo waxyaao qaali ah oo la xaday ee keento in ay xiriirka ku kala gostaan mudadaa dheer

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post