1725 Views

Kulamo Isdaba Joog ah Oo Ka Dhacaya Baydhabo

Kulamo Isdaba Joog ah Oo Ka Dhacaya Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 08, 2018 — Kulamo kala duwan oo u dhaxeeya Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ,xubno ka socda Urur goboleedka IGAD iyo Musharaxiinta qaar ayaa wali ka socda Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Kulamaddan ayaa looga hadlaya sidii doorashadda Koonfur Galbeed ay ugu dhici laheyd si wanaagsan oo Musuq maasuq ka madax banaan.

Xubnaha ka socday Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday Gudiga doorashadda in ay ka qabtaan doorasho Xalaal ah oo ay ku qanacsan yihiin Musharaxiinta xilka Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka oo Baydhabo ku sugan ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay wali faragalin ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa ku baaqay in ay joojiso dowladda dhexe faragalinta ay ku heyso maamulka Koonfur Galbeed,hadii kale ay qaadan doonto wixii ciqaab ah oo ka dhasha.

 

Xafiiska Wararka  Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment