936 Views

Caasimadda gobolka Borno ee dalka Nigeria oo lagu weeraray madaafiic hoobiyeyaal ah

Caasimadda gobolka Borno ee dalka Nigeria oo lagu weeraray madaafiic hoobiyeyaal ah
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021

Caasimadda gobolka Borno ee dalka Nigeria ayaa lagu weeraray madaafiic hoobiyeyaal ah, wararkuna waxay sheegayaan in 10 qof ay dhinteen dad kale oo bandanna ay dhaawacmeen.

Dadka deegaanka ee magaalada Maiduguri ayaa BBC-da u seegay in madaafiic badan laga soo tuuray duleedka magaalada.

Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay in ay weerarkaas mas’uul ka tahay.

Maiduguri waa meesha ay ka aasaasmeen kooxda Boko Haram, waxayna ka fulin jireen weerarro isdabajoog ah.

Tan iyo markii ay kooxdaas dhaqdhaqaaqeeda billowday sanadkii 2009, dagaallada jihaad doonka ah waxaa lagu dilay 36,000 oo ruux, qiyaastii labo milyan oo qofna waxay ka barakaceen waqooyiga-bari ee Nigeria.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post