912 Views

Wasiir Wehliye sheegay in Handaad lagu haayo Xildhibaanada cusub ee Galmudug

Wasiir Wehliye sheegay in Handaad lagu haayo Xildhibaanada cusub ee Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 16, 2020—Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Wehliye Faarax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa eedeyn u jeediyay Xukuumadda Soomaaliya.

 

Wasiir Wehliye ayaa sheegay in xubno ka mid ah dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Handaad ku heyso xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ee dhawaan lasoo dhisay.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in lagu amray in aysan la kulmi karin Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Galmudug, islamarkaana liiska laga saari doono Shaqsigii Salaama Musharaxiinta aan ka aheyn midka dowladda.

 

Xukuumadda Soomaaliya ee uu ka tirsan ayuu sheegay in ay dhibaato badan ku heyso degaanada Galmudug, islamarkaana hadii aan wax laga qaban dhibaatooyin badan ay ka dhalan doonaan.

 

Wasiir Wehliye ayaa ka mid ahaa xubnihii sidda weyn uga qeyb qaatay dib u heshisiintii Ahlusunna iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment