1074 Views

Odayaasha Cadaado oo cadeynaya mowqifkooda Shirka Dhuusamareeb

Odayaasha Cadaado oo cadeynaya mowqifkooda Shirka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 02, 2019 —Maagalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa haatan kulan uu uga socdaa Odayaasha & Waxgaradka Magaaladaas, iyaga oo kulankooda uga hadlaya Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug ee dhawan ka furmaya Dhuusamareeb.

 

Odayaasha & Waxgaradka Cadaado ayaa horay u diiday ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb, iyaga oo dalbaday in dowladdu cadeyso maqaamka ay Galmudug ku yeelaneyso Maamulka Galmudug si gaar ah in Cadaado ay noqoto Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

 

Shalay ayaa waxaa Magalada Dhuusamareeb ay dowladda Soomaaliya geysay Odayaal laga qaaday Magalada Muqdisho,kuwaas oo la sheegay inay matalayaan dadka Magalada Cadaado,hayeeshee Odayaasha & Waxgaradka Cadaado ayaa Maanta waxaa ay cadeyn doonaan mowqidkooda Shirka Dhuusamareeb.

 

Maalinta Arbacada ah ee todobaadkan ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay sheegtay in uu shirka ka furmayo Magalada Dhuusamareeb,isla markaana ay diyaar yihiin dhamaan ergooyinkii Beelaha ee loogu talo galay Shirkaas.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment