426 Views

Fa’iza Maxamed Raage “Soomaaliya waxaa ka baxay shaqsi bulshada waxtar u lahaa…”

Fa’iza Maxamed Raage “Soomaaliya waxaa ka baxay shaqsi bulshada waxtar u lahaa…”
____________________________________________________________________________

Isniin, 15 May [Qaranimo Online] Soomaali ku kala nool dunidda dacaladeeda, ayaa siyaabo kala duwan kaga fal-celiyay geeridii naxdinta laheyd ee dorraad ku timid ALLAHA u  naxariistee Dr. Axmed Maxamed Mahdi oo Muqdisho ku geeriyooday. 

Dr. Mahdi, oo ahaa dhaqtar ku taqasusay cudurada ku dhaca saableyda, ahaana shaqsigii seeska u dhigay isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galguduud & Goobo kale oo caafimaad oo ku yaal Galmudug & Muqdisho, ayaa ahaa samale ay naadir tahay tahay in la helo qof shaqsiyadiisa oo kale leh, marka loo eego waqtiga  & juhdiga uu ku bixiyay helitaanka & horumarinta adeegyada bulshada, oo caafimaadku ugu horreeyo. 

Jaaliyada Galmudug ee ku dhaqan waddanka Netherland ayaa Sebtidii  munaasabad baroor-diiq & duco ah ugu sameeysay Magaalada Amsterdam, waxaanna ka soo qeybgalay qaar ka mid ah hormuudka Soomaalida. 

Zahra Siyaad Naaleeye oo ah shaqsiyad ka dhex-muuqata bulshada Soomaalida Holland, oo kulankaasi ka hadashay waxey sheegtay in Dr. Mahdi uu ahaa shaqsi waxqabadkiisa ay ku diirsadaan boqolaal kun oo Soomaali ah. 

“AUN Dr. Axmed Mahdi wuxuu u ahaa shaqsigii aqoontiisa & waqtigiisa geliyay sidii uu gu samafali lahaa dadkiisa Soomaaliyeed, wuxuu kaga duwanaa dhaqaatiirta kale waxey aheyd inuu ka soo tegay qoyskiisii dalku markuu marayay xilligii ugu adkaa, uuna meel eber ah wax ka soo billaabay. Waxaa ALLE mahadii ah in mirahiisii ay dad badan oo Soomaali ah maanta guranayaan, kuna intifaacayaan” Ayeey tiri Fa’iza Maxamed Raage oo ka mid aheyd dadkii ay soo wada-shaqeeyeen Ditoorka. 

Dhinaca kale, Fa’iza Maxamed Raage oo ka mid ah gabadhaha hormuudka u ah Jaaliyada Soomaalida London, waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in taariikhda & waxqabadka Ditoorka in lagu qori doono diiwaanka samafalayaasha caalamka. 

Dr. Maxamed Dayax oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida ee ku dhaqan dalka UK, isaga oo ka hadlayay taariikhdiisa wuxuu ku tilmaamay Dr. Axmed Mahdi shaqsi ku asteysnaa u samafalida dadkiisa. 

“Dowladda Soomaaliya & Dowlad goboleedka Galmudug waxaan ka codsaneynaa in shaqsiyaadka waxtarka u lahaa bulshada in maamuus gaar ah loo sameeyo, looguna magac-daro isbitaalo ama goobo laga helo adeega bulshada” Ayuu yiri Dr. Maxamed Dayax, isaga oo intaasi ku daray inuu kaga tacsiyeynayo geeridiisa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xaasaskii & caruurtii uu ka tegay. 

Ganacsade Cabdiweli Xassan Maxamed, oo ka mid ah hormuudka Soomaalida London, isaga oo ka tiiraanyeeysan geerida Dr. Axmed Mahdi wuxuu marxuumka u tilmaamay shaqsi taariikhda ummadda Soomaaliyeed & tan reer Galmudug baal-dahab ah ka galay. 

“Dr. Mahdi ALLAHA u naxariistee, wuxuu ka mid yahay dadka la yiraa; qofkaasi ma dhimane wuu dhuuntay.  Waxaan haysanaa waxqabadkii uu ka tegay, waxaan ka codsanayaa madaxda Galmudug in isbitaalka Dhuusamareeb loogu magac darro Dr. Mahdi” Ayuu yiri Cabdiweli Xassan Maxamed. 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post