1434 Views

DFS oo soo dhameystiraysa adeegyada Boostada ee dalka

DFS oo soo dhameystiraysa adeegyada Boostada ee dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 2,, 2019 —eng. Cabdi Canshuur Xasan wasiirka wasaarada Boostada , isgaasiinta iyo technolojiyada ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan bilaawga ah ee 2019’ka ay soo dhameysiri doonan dhamaan adeegyada Boostada ee dalka.

Wasiir Canshuura ayaa xusay in deymo badan oo dhanka Boostada ah lagau leeyahay dowladda Soomaaliya ugu horeyna ay ku dedaali doonaan sidii deymahaasi ay u gudi lahayeen amaba lagaga cafin lahaa intaasi dabadeedna ay xooga saari doonaan dhameystirka adeegyada Boostada ee dalka.

Waxa uu sheegay in ay u qorsheysantahay in isla sanadkaan ay soo dhameysitiraan adeegyada Boostada Dalka oo uu sheegay in meel wanaagsan ay iminka u marayso.

 

 

Xafiiska Waraka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment