1827 Views

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 12, 2018 – Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dhex marey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Xasan Cali Maxamed “Amar Dambe” iyo BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta tababarada.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga xilka loo magacaabay,iyagoo balanqaaday in ay si dhab ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kala hadlay dardargelinta taageerada ay siinayaan ciidanka Xoogga Dalka sida,tababarada,qalabeynta iyo talooyin ku aadan arrimaha ciidamada.

BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ammaanay dib u habaynta lagu sameeyey hoggaanada ciidanka Xooga Dalka,wuxuuna u xaqiijiyay Wasiirka in ay ka soo bixi doonaan kaalintooda ku aadan garab istaaga ciidamada.

Tan iyo sanadkii 2010 ayaa midowga Yurub waxaa ay dardargelinayeen taageerada ay siinayaan ciidanka Xooga Dalka,dhinacyada tababarada ciidanka,si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee horyaala.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment