795 Views

Guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland oo guddoon doortay

Guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland oo guddoon doortay
____________________________________________________________________________

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta oo Talaado ah kulan ku yeeshay xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Puntland, iyaga oo Maanta kulankooda ku doortay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxaa  xilka gudoomiyaha isku soo taagay Cabdikariim Muuse Maxamed, waxaana iyada oo aysan jirin cid la tartantay oo ku guuleystay guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Puntland, isaga oo helay 11 Cod.

Xilka jagada guddoomiye ku xigeenka Gudiga ayaa  waxa isku soo sharaxay Caynaanshe Yuusuf Xuseen,, waxaana , iyada oo aysan jirin musharax kale oo kula tartamay jagaadan uu helay 11 Cod, isaga oo noqday Guddoomiye kxuigeenka Gudiga doorashooyinka Maamulka Puntland.
Horay waxaa Guddoon u doortay Guddiyada doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Maamulada, Koonfur Galbeed, Galmudug , waxaana la filayaa in sidoo kale ay dhacdo doorashada Guddoonka Gudiyada doorashada, Hir-Shabeelle,Jubbaland, guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi iyo kuwa Beelaha Banaadiriga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post