1767 Views

Tirada dadka cudurka Ebola ugu dhimanaya Dalka Congo oo korortay

Tirada dadka cudurka Ebola ugu dhimanaya Dalka Congo oo korortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 11, 2018 —Ilaa hadda inta la ogyahay tirada dadka u dhintay cudurka Ebola ee ka dillaacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxay gaarayaan 200 qof. Sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka.

Mas’uuliyiinta caafimaadka waxay sheegeen in kala bar dadka uu soo riday cudurka Ebola ay kasoo jeedaan magaalada Beni oo ay ku nool yihiin 800,000 qof ee gobolka waqooyiga ku yaalla ee Kivu.
Wasiirka caafimaadka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Oly Ilunga wuxuu sheegay in dabley hubaysan ay dhibaato ku hayaan kooxaha caafimaadka ee la tacaalayo bukaanada Ebola ee halkaasi.

Barnaamij caafimaad ah oo halkaasi ka bilaabmay waxaa tallaal lagu gaarsiiyay ku dhawaad 25,000 qof.

Bishii September,barnaamijka tallaalka cudurka Ebola ayaa hakad galay kaddib markii koox fallaago ah ay weerar ku qaadeen shaqaalaha caafimaadka oo tallaal gaarsiinayay dadka deegaanka.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxaa harreeyay dagaallo sannooyin badan qaatay iyo qalalaase siyaasadeed.

Cudurka Ebola ee hadda taagan, wuxuu bariga dalkaasi ku faafay bishii July, waana markii tobbonaad uu ku dhuftay halkaasi tan iyo sannadkii 1976-kii.

Wasaaradda caafimaadka waxay sheegtay inta la xaqiijiyay 291 qof uu soo riday cudurka halka 201 qof ay u geeriyoodeen.

Howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay waxay ugu baaqeen kooxaha hubaysan inay joojiyaan cagajuglaynta ay ku hayaan shaqaalaha caafimaadka ee gurmadka u fidinayo bukaanada Ebola.

Wasiirka caafimaadka DRC wuxuu sheegay in Jimcihii kooxda caafimaadka la weeraray lagana burburiyay qalabkii ay wateen halka qaarkoodna la afduubtay.

“labo kamid ah dhaqaatirta gurmadka deg deg ah ayaa naftooda ku waayay weerarka” ayuu yiri wasiirka.

Toddobaaadkii lasoo dhaafay, Madaxa ha’yadda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus wuxuu sheegay in ammni darrada ka taagan qaybo kamid ah dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay noqotay caqabadda ugu wayn ee hortaagan xakameynta cudurka Ebola.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment