1068 Views

Suldaan Maxamed”Kheyre ayaa iga reebey liiska saxiixayaasha Galmudug”

Suldaan Maxamed”Kheyre ayaa iga reebey liiska saxiixayaasha Galmudug”
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 09, 2020—Weli waxaa jirta cabasho kasoo yeereysa qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug,kuwaas oo qaarkood sheegay in liiska saxiixayaasha Galmudug la bedeley.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dhuusamnareeb ayaa kusoo laabtey Muqdisho,hayeeshee saacado kadib waxaa soo baxaya Cabasho ka imaaneysa Odayaasha qaar,kuwaas oo ka qeyb galay tababar loo furey Odayaasha saxiixayaasha Galmudug lana tusay habka loo marayo soo xulista Baarlamaanka Maamulkaas.

 

 

 

Suldaan Maxamed Suldaan Muuse oo kamid ahaa saxiixayasha Galmudug lana soo xiriirey Risaala ayaa sheegay in xilligii la filayey in la gaaro xulista Xildhibaannada laga saarey liiska Odayaasha xoo xulaya.

 

Waxaa uu sheegay in sababaha liiska looga saarey markii uu weeydiiyey xubnaha guddiga farsamada & dhismaha Galmudug ay u sheegeen in uu amarkaasi bixiyey Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

“Waxaa nasiib darro ah oo aan aad ula yaabey in Ra’iisul Wasaaraha uu faraha la galo Odayaasha Dhaqanka uuna sameeyo wax ka bedel,iyada oo ay taalo Shaqo kale oo culeys leh ayuu yiri” Suldaan Maxamed Suldaan Muuse.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment