813 Views

Newcastle United oo shaqadii tababarenimo ka caydhisay tababare Steve Bruce

Newcastle United oo   shaqadii tababarenimo ka caydhisay tababare Steve Bruce
____________________________________________________________________________

Arbaco October 20, 2021

 Kooxda Newcastle United ayaa shaacisay inay shaqadii tababarenimo ee kooxdeeda ka caydhisay tababare Steve Bruce kaas oo la filayay inuu jagadiisa waayi doono maalmihii ugu dambeeyay,

Newcastle ayaan wali wax guul ah gaadhin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxaana ay taasi saartay culays badan tababare Bruce.

Cadaadiska ayaa kusii batay Steve kaddib markii milkiyada kooxda ay la wareegeen Bilyaneero uu hoggaaminayo dhaxal sugaha boqortooyad Sacuudiga ee Mohamed Bin Salman

Magpies ayaa hadda shaaciyay inuu Steve Bruce heshiis laba geesood ah shaqada kooxda kaga tagay.

Shaqada kooxda ayuu sii hayn doonaa ku xigeenkii Graeme Jones waxaana uu shaqada si kumeel gaadh ah u bilaaban doonaa kulanka ay Crystal Palace u safrayaan Sabtida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post