582 Views

Xoghayaha gaashaandhigga Britain oo ku dhawaaqay in UK ay tiro aan badneyd oo ah hubka laga rido gantaallada ridada dheer iyo rasaasba u diri doonto Ukraine

Xoghayaha gaashaandhigga Britain oo ku dhawaaqay in UK ay tiro aan badneyd oo ah hubka laga rido gantaallada ridada dheer iyo rasaasba u diri doonto Ukraine
____________________________________________________________________________

Isniin: June 6, 2022

Xoghayaha gaashaandhigga ee waddanka Britain, Ben Wallace, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in UK ay tiro aan badneyd oo ah hubka laga rido gantaallada ridada dheer iyo rasaasba u diri doonto Ukraine.

Mr Wallace ayaa sheegay in hubkaasi uu Ukraine ka caawin doono inay iska caabbiso gardarrada Ruushka.

Go’aan midkaasi oo kale ah ayaa waxaa qaadatay dowladda Mareykanka, Hasayeeshee madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inuu ballaarin doono weerrarka ay ciidammadiisa ka wadaan gudaha waddanka Ukraine haddii dalalka reer Galbeedku ay Kyiv u soo diraan hubka ridada dheer.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post