591 Views

Hogaamiyayal diimeed gacan saar la leh kooxda Taliban oo ugu baaqay beesha caalamka inay aqoonsadaan dowladda Taliban

Hogaamiyayal diimeed gacan saar la leh kooxda Taliban oo ugu baaqay beesha caalamka inay aqoonsadaan dowladda Taliban
____________________________________________________________________________

Sabti: July 02, 2022

Hogaamiyayal diimeed gacan saar la leh kooxda Taliban oo saddex maalmood ee dumbeeyay uu shir uga socday caasimada Afqanistaan ee Kabul ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay aqoonsadaan dowladda Taliban lagana qaado cunaqabateynada.

Waxaa kulan oo ay Taliban soo qabanqaabiyeen ka qeyb galay ku dhawaad 3000 kun oo culumada dalkaasi ah.

Qaraar lagu ansixiyay kulankani ayaa lagu sheegay in kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Taliban loo aqoonsan doono mucaarad hubeysan.

Waxay culumadan sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka inay fasaxaan lacagaha la xanibay ee deeqaha la siiyo Afganistaan.

Kooxda Taliban ayaa sheegtay in shirkan uu khudbad ka jeediyay hogaamiyahoodi ruuxiga Haibatullah Akhundzada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post