1065 Views

Saraakiil Ciidan oo tababar loo soo xiray

____________________________________________________________________________

Mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug,Saraakil iyo kan Degmada Gaalkacyo ayaa ka qeybgalay xiritaanka tababarka aqoonkororsi ah oo ay ka qeybgaleen saraakiil ka tirsan ciidanka Boliiska ee maamulkaasi.

Tababarkaan oo socanayay muddo 12 cisho ah waxaa lagu  baranaayey habraaca ka hortagga dambiyada iyo baaristooda,waxaana xiritaankii ka qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caddaalada Maxamuud Guure Guuleed, taliyaha saldhiga Booliiska Dagmada Galkacyo labo xidigle Cali Xirsi Sahal ,taliye xigeenka qeybta Boliiska Gobalka gaashaanle Maxamed Xasan Warsame .

Taliyaha Saldhiga Booliiska Dagmada Gaalkacyo labo xidigle cali xirsi sahal, ayaa ka mahad celiyay tababarka ay bixiyeen  qareenno ka socday dowlada fadaraalka soomaaliya ee la siiyay saraakiisha boliiska dagmada gaalkacyo ,wuxuuna kula dar daarmay saraakiisha in howshooda ay ku dabbaqaan aqoonta durugsan ee ay ku qaateen tababarkaasi.

Waxaa kaloo xiritaankii tababarkaasi  goob joogayaaal ka ahaa xeer ilaaliyaha qeybta 21aad  G/sare  Cabdullaahi Maxamed Muuse keyse ,Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Mudug avv C/risaaq Cali Yuusuf, xeer ilaaliyaha  Maxkamada avv Cabdi Xakiim Maxamed Xirsi  iyo kuwo kale.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post