1428 Views

Ahlusunna oo ka hortimid Xubnaha Maanta lagu doortey Dhuusamareeb

Ahlusunna oo ka hortimid Xubnaha Maanta lagu doortey Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 21 -2020—Xildhibaanada Ahlusunna ee uu jira Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay Maanta sicad uga soo horjeesteen Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee Maanta lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb.

 

Kulanka lagu doortey gudoomiyaha iyo Ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaaanka Galmudug & labadiisa kuxigeen,waxaana Maanta kulanka doorashada ka maqnaa Xildhibaannada Ahlusunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug.

 

 

 

Wararka aan ka heleyno Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow ay Warbaahinta la hadli doonaan Xildhibaanada Ahlusunna ee ugu jira Baarlamaanka Galmudug ,iyaga oo qaarkood sheegay in dowladda Soomaaliya afduubatey guddiga doorashada Galmudug.

 

Tallaabada ay ku dhaqaaqeen Xildhibaannada Ahlusuna ugu jira Barlamaanka Galmudug ayaa daba socota xilli maalmihii la soo dhaafay ay hogaganka Ahlusunna loolan ugu jireen sidii ay ku heli lahaayeen guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment