960 Views

Somaliland oo soo dhawaysay xiriirka loogu yeeray ‘Taarikhiga’ ee dhexmaray Imaaraadka iyo Israel.

Somaliland oo soo dhawaysay xiriirka loogu yeeray ‘Taarikhiga’ ee dhexmaray Imaaraadka iyo Israel.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-17-2020–somaliland oo iskeed ah ugu dhawaaqaday in ay go’aday Soomaaliya inteeda kale ayaa ku biirtay wadamada taageerada u muujiyay sharci ahaanshaha heshiiska loogu yeeray “taariikhiga” ee dhexmaray Imaaraadka Carabta iyo Israel khamiistii.

Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa noqday waddankii ugu horreeyay ee khaliijka ah oo heshiis rasmi ah la gaara Israa’iil, kaas oo ogolaanaya in labada dal ay yeeshaan xiriir ganacsi iyo teknolojiyad.

llaa iyo hadda Israa’iil wax xiriir diblomaasiyadeed ah kuma aysan lahayn dalalka Khaliijka Carabta.

Waxa loogu yeero “Heshiiska Abraham”, ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Khamiista, ayaa xaqiijinaya ballanqaadka Israel ee ah joojinta dhul-balaarsiga ka dhanta ah reer Falastiin ee Daanta Galbeed.

Sida heshiisku yahay, toddobaadyada soo socda wufuud ka kala socota Israel iyo Imaaraatka ayaa la kulmi doona si ay u saxiixaan heshiisyo laba geesood ah oo ku saabsan maalgashiga, dalxiiska, duulimaadyada tooska ah, amniga, isgaarsiinta, teknolojiyada, tamarta, caafimaadka, dhaqanka, deegaanka, sameynta safaaradaha. iyo dhinacyada kale ee waxtarka leh lada dowladood.

“Furitaanka xiriir toos ah oo ka dhexeeya labada bulsho ee firfircoon ee Bariga Dhexe iyo dhaqaalaheedii horumarsan waxa ay isu beddeli doonaan gobolka iyaga oo kobcinaya kobaca dhaqaalaha, kor u qaadista hal abuurka teknolojiyada, iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dadka iyo dadka,” ayaa lagu yiri qoraalka wadajirka ah.

Somaliland waxa ay ku biirtay Jarmalka, Masar, Baxrayn, Cumaan, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska iyo Qaramada Midoobay si ay u taageeraan heshiiska u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cumar Cawil ayaa sheegay in heshiiskani uu tusaale wanaagsan u yahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee daneynaya xasilloonida iyo iskaashiga gobolka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay muhiimtahay in darisku ku noolaado amaan iyo wada-noosho.

“Annagoo ah dad jecel nabada waxaan taageersanahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex dhexaadka ahaa ee dhexmarey Isutaga Imaaraatka carabta iyo Israa’iil taas oo lagu bedelay qaadashada isukeeninta miiska (la joojiyo codsiyada madaxbanaanida aagagga Daanta Galbeed). Heshiiska ayaa tusaale wanaagsan u ah isbahaysiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee daneynaya xasilloonida gobolka iyo iskaashiga”ayuu yiri Cumar oo horay  Somaliland ugu soo matalay dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa difaacay heshiiska. Amiir Abu Dhabi Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Zayed ee ah in uu caadi ka dhigo xiriirka ay la leedahay Israel waxa ayna muujiyeen ” waa xaqiiqdi xun ee loo baahan yahay,” ayuu yiri.

In kasta oo go’aanka nabadeed uu asal ah uu yahay kan Falastiin-Israa’iil, dadaalka geesinimada leh ee Sheikh Mohammed bin Zayed wuxuu ogolaaday, isagoo diidan qaadashada dhulalka reer Falastiin, waqti dheeri ah oo loo helo fursadaha nabada iyada oo loo marayo xalka labada dowladood,” Gargash ayaa sidaasi ku yiri qoraal uu bartiisa Twetter-ka.

“In la sameeyo xiriir caadi ah si taasi loo helo waa qaab macquul ah oo ay dalbatay Imaaraatka,” ayuu yiri. “Go’aanka lagu guuleysto ayaa ah in la qaato oo la bixiyo. Tan ayaa la gaadhay. ”.

Heshiiska ay labada dal gaareen madaxda Falastiin layaab ayey ku noqotay. Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay “Khiyaano”.

Iraa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay inuu rajeynayo waddama Carbeed iyo kuwa Muslimiin ahba iney heshiisyo la galaan Israa’iil.

Ra’isal wasaaraha Israa’iil Bejamin Netanyahu wuxuu sheegay dhulka Israa’iil inuu 30% uu u ballaadhinayo dhinaca daanta galbeed oo ay Falastiiniyiintu ku hamminayaan inuu ka mid noqdo dal madax bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin sida uu dhigayo waxa looga yeedhay heshiiska Trump uu damacsan yahay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post