924 Views

Jubbaland oo digniin u dirtey Seeraar & C/Rashiid Xidig

Jubbaland oo digniin u dirtey Seeraar & C/Rashiid Xidig
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig iyo Cabdi Naasir Seeraar ay khalalaaso dhinaca Amniga ah ay ka wadaan Magaalada Kismaayo.

Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtey Kismaayo ayuu sheegay in labada mas’uul ay u dul qaadanayeen muddoo lix bilood ah,isla markaana ay yihiin kuwo u adeegaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Mamaulka Jubbaland uu dulqaadka ka dhamaaday,isla markaana xilligaan wixii ka dambeeya aysan u sii dul qaadan doonin.

Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig iyo Cabdi Naasir Seeraar ayaa labaduba waxaa ay taageerayaashooda Magaalada Kismaayo ugu doorteen Madaxweynaha Jubbaland,waxaana shalay Kismaayo dagaal kooban uu ku dehxmaray Ciidamada C/Naasir Seeraar iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment