990 Views

Maraykanka oo dabeeylo khasaaro Dhaliyay ku dhufteen Gobollo ka mid ah dalkaasi.

Maraykanka oo dabeeylo khasaaro Dhaliyay ku dhufteen Gobollo ka mid ah dalkaasi.
____________________________________________________________________________

Talaado: December 14, 202

Dalka maraykanka Gaar ahaan Gobolka Kentucky ayaa waxa ku dhuftay duufaano khasaaro baaxad leh dhaliyay waaxaana la shaaciyay  in ay  dhimashadu hadda marayso ilaa 74 qof sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka oo la hadlay warbaahinta,

Ilaa afar duufaan oo kala duwan sidoo kalana dhaliyay khasaaro baxad leh ayaa ku dhufatay Gobolka habeenimadii jumcaha ilaa sabtidii.

Kumanaan qof ayaa wajahaya Guryo la’aan,biyo la’aan iyo koronto la’aan iyadoo dhinaca kale la soo sheegayo in weli la haynin xogtooda 109 qof,duufaanadan ayaa sidoo kale ku dhuftay gobollada Illinois, Mississippi, Missouri, Tennessee iyo Arkansas.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa booqan doonaa Kentucky Arbacada si uu u soo indha indheeyo khasaaraha ka dhashay duufaannada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post