960 Views

Puntland oo sheegtay inay qabatay xubno ka tirsan Shabaab xiriirna la leh Somaliland

Puntland oo sheegtay inay qabatay xubno ka tirsan Shabaab xiriirna la leh Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 09, 2019 —Taliyaha Guud ee Ciidamada Soomaaliland Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa sheegay in Puntland ay gacanta ku dhigtay Xubin ka tirsan Ururka Al-Shabaab sidoo kale Isbaheysi la ah Soomaaliland.

 

Taliyaha Isaga oo la hadlayay mid ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Puntland ayuu sheegay in Xubnaha ay qabteen ee ka tirsan Al-Shabaab ay qirteen inay isbaheysi la leeyihiin Soomaaliland,isla markaana Xubnahaas ay ahaayeen kuwo dhaqaalo iyo Agab kale ka keenay Soomaaliland una waday Buuraha Galgala oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Dhawaan ayuu krmeer waxa uu ku tegay Taliyaha qeybo ka mid ah Gobolka Sanmaag iyo Buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Millateiga Maamulka Puntland.

 

Waxaa uu ugu dambeyn taliyaha soo hadal qaaday xiisada kala dhaxeysa Soomaaliland,waxaana uu sheegay in tira yar oo ka tirsan Ciidamada Soomaaliland kuna sugan deegaanada Dhahar iyo Baran ay diyaar u yihiin inay kusoo biiraan Ciidamada Puntland.

 

Waa markii labaad oo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ay Soomaaliland ku Eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab,wallow Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan gobolada Sool iyo Sanaag ay warkaasi beeniyeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment