1365 Views

Galmudug oo sheegtay qof aan ciidan aheyn hub ku dhex qaadan karin Guriceel

Galmudug  oo sheegtay  qof aan ciidan aheyn  hub ku dhex qaadan karin Guriceel
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 28, 2021

 Wasaaradda amniga Galmuudg ayaa soo saartay amar culus oo la xiriira amniga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay shalay ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda ay kala wareegeen xoogaga Ahlu Sunna.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday wixii ka dambeeya qof aan ciidan aheyn aysan hub ku dhex qaadan karin Guriceel, isaga oo sheegay in la xaqiijiyey amniga degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in amniga magaalada ay u xil-saareen laba kooxood oo baaris dheeraad ah ku sameeya goobihii lagu dagaalamay, si ay xaaladda u qiimeeyaan.

Waxa kale oo uu xusay in ka wasaarad ahaan ay soo saari doonaan xeer deegaanada Galmudug looga mamnuucayo hubka, si dadka hubeysan loogu sameeyo hub ka dhigis.

https://5d46e9351a9075f0ffc29685aa4b839a.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Ugu dambeyn ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa iyana ugu baaqay inay ku sugnaadaan xeryahooda, marka laga reebo inay howl-gallo ku jiraan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada dagaallo qaraar oo u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ka dhaceen Guriceel, kaas oo geystay dhimasho, dhaawac burbur & barakac.

Si kastaba, Galmudug ayaa haatan dooneysa inay gacan bir ah ku qabato amniga gobollada Galgaduud iyo Mudug, si ay markale uga hortego dagaallo ka dhaca halkaasi.

By Istar Cabdi Yuusuf 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post