4059 Views

Puntland oo bilowday maxkamadeynta Maxaabiistii Al-Shabaab

Puntland oo bilowday maxkamadeynta Maxaabiistii Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 16, 2016: Maamulka Puntland ayaa billowayin  maxkamadeyaan maxaabiistii Al-Shabaab ee lagu qabtay dagaaladii bishii Maarso ka dhacay deegaano ka tirsan Nugaal iyo Mudug, halkaasoo ay doonyo ku gaareen sida la sheegay.

Wararka na soo gaaray ayaa sheegaya in Maxkamadeynta ay ka billabatay Isniintii la soo dhaafay Xabsiga Garowe, oo ay xafiis ku leedahay Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Maxkamadu ay kala saaris ku bilowday Maxaabiista, kuwaasoo isugu jiray carruur iyo dad waa weyn.

Sarkaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada sida ayaa sheegay in la maxkamadeynayo dadka waa weyn oo kaliya, maadaama maxaabiistii horay loo qabtay ay isugu jireen carruur iyo dad waa weyn.

Warbaahinta ayaa loo diiday inay ka qeyb gasho maxkamadeynta, iyadoo la sheegay in maalin kasta afar maxbuus la soo taagayo maxkamadda, kuwaasoo la sheegay in loo qabtay qareeno u doodaya.

Puntland ayaa horay u maxkamadeysay xubno lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, hase ahaatee maxaabiista la maxkamadeynayo ayaa noqonaya kuwii u horeeyay ee lagu qabto dagaal toos ah oo iska hor imaad ah.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment