714 Views

Qatar oo si adag u cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay muqdisho.

Qatar oo si adag u cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay muqdisho.
____________________________________________________________________________

Axad: September 26, 2021

  Dowladda Qatar ayaa cambaareysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen siddeed qof, halka sagaal kalena ay ku dhawacmeen.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa lagu sheegay in ‘dowladda ay cambaareyn xooggan u jeedisay weerarkii ka dhacay bar koontoroo oo ku taal degmada Xamar Jajab, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac’.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Qadar ay ku celisay diidmadeeda rabshadaha iyo aragagixisada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa dhinaca kale tacsi uga dirtay dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaan, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay.

Siddeeda qof ee qaraxan ku dhintay waxaa ka mid aheyd Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shalay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post