840 Views

Dhisme sharci daro ah oo laga waday cisbitaalka Laansaleeti oo la hor istaagay

Dhisme sharci daro ah oo laga waday cisbitaalka Laansaleeti oo la hor istaagay
____________________________________________________________________________

Isniin: November 8, 2021

 Waxaa Weli hakad ku jira dhismo ka socday cisbitaalka Laansaleeti ee ku yaalla Muqdisho, halkaas oo laga hir-gelinayay sida la sheegay xarunta gurmadka deg-degga ah ee hoos-tagta wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Dhismahan ay is hor taageen dad diidanaa in wax ka baxsan shaqadii uu horay u qaban jiray cisbitaalka laga hirgeliyo.

Sidoo kale murankan ayaa socday maalmihii la soo dhaafay. Waxaana goobta dhooban shacab arintaas ka soo hor jeeda, Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadal xayiraadda ku timid dhismahaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post