618 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Digreeto Ku Soo Celiyay Xuquuqda iyo Darajada Ciidan Ee Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Digreeto Ku Soo Celiyay Xuquuqda iyo Darajada Ciidan Ee Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed
____________________________________________________________________________

Talaado:AUGUST 30, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii, codsi uu soo gudbiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Ogoosto 30, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post