960 Views

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Soomaaliya Dr Buubaa oo shegay in Somaliland iyo Somaliya aysan kala go’i karin

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Soomaaliya Dr Buubaa oo shegay in Somaliland iyo Somaliya aysan kala go’i karin
____________________________________________________________________________

February  27 /2/ 2021

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Soomaaliya Dr Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed in aysan si naba u kala go’i karin.

Ismaaciil hurre ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in uu aaminsanyahay umadda Soomaaliyeed ee ku kala nool geeska Afrika in aysan kala maarmeyn.

“Qofkii igu nacaya iyo kii ka naxaya, Soomaaliya ma kala go’i karto, haddii aynnu doonayno nolol tan dhaanta in aan ku noolaano waa in la midoobo” ayuu yiri Ismaaciil Hurre Buubaa.

Isagoo sii hadlaya ayuu muujiyay in masiirka Soomaalida geeska Afrika in ay yeelan karaan maamulo balse uusan guureyn jinsiga Soomaalinimada.

Buubaa ayaa sanadihii dambe ku noolaa Magaalada Hargeysa, wuxuuna xubin ka yahay xisbiga mucaaradka ee Wadani

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post