390 Views

Askar ku eedeysan dil & dhac oo ay maanta xukuntay Maxkamad

Askar ku eedeysan dil & dhac oo ay maanta xukuntay Maxkamad
____________________________________________________________________________

Isniin: June 6, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybta 27-aad ayaa waxay maanta xukuno kala duwan ku riday afar Askari oo ka kala tirsan Ciidamada xoogga iyo Nabad-sugida Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay dambiyo islamarkaana baaritaano lagu sameeyay.

Askarta maanta la horgeeyay kiiskooda Maxkamadda ayaa lagu helay inayka  geysteen degmada Doolow falal iskugu jira dil iyo dhac.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 27-aad waxaa ay dil toogasho ah ku xukuntay Dable NISA Bukhaari Axmed Maxamuud iyo Dable Xooga Salmaan ibraahin Shire Weelfuratey, halka Dubad Axmed Xuseen Cilmi lagu xukumey Sadddex sano oo xarig ah, Sidoo kale Sharmaake Muxumed Cali ayaa isna lagu xukumey hal sano oo xabsi ah.

Degmada Doolow oo ka tirsan Gobolka Gedo deegaano hoosyimaada iyo kuwa kale waxaa ka dhaca dilal ay geystaan Ciidamo ku labisan dharka ciidanka qeybihiisa kala duwan, waxaase suurta gasha in qaarkood gacanta lagu soo dhigo oo maxkamadda Ciidamada la horgeeyo islamarkaana ay xukuno ku rido, inkastoo mudooyinkii dambe laga reystay, sida ay sheegeen shacabka ku dhaqan deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Gedo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post