573 Views

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo yeelanaya kulan wadajir ah

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo  yeelanaya kulan wadajir ah
____________________________________________________________________________

Talaado: June 28, 2022

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Maantay yeelanaya kulan wadajir ah, sida lagu ogeysiiyey fariimo loo diray xildhibaanada oo lala wadaagay ajendaha.

Kulanka baarlamaanka ayaa Talaadada Maantay ah  akhrinta 2-aad lagu marsiinayaa ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka oo horay ay u meel marisay xukuumadii Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Maantay oo Talaada ah 28 June waxaa jira kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha Kulanka Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda 2022,” ayaa lagu yiri fariintaan oo loo diray xubnaha golaha shacabka.

Sidoo kale senatorrada Aqalka Sare ayaa loo diray fariin ah “Dhammaan Senatorada Aqalka waxaa lagu wargelinayaa in maantay oo ku beegan Juun 28, 2022 uu jiro kulan Wadajir ee Labada Aqal ee BFS, Ajendaha, Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.”

Kulankaan wadajirka ah ayaa ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa oo hadda ay ku shaqeeyaan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Labada Aqal ayaa markii ay akhrinta ku dhameeyaan miisaaniyadda waxay u qaadayaan cod, waxayna miisaaniyadda sanadkaan oo gaareysa $918,666,761 ay noqoneysaa, tii ugu badneyd burburkii kadib oo xukuumadda Soomaaliya ay hor keento baarlamaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post