867 Views

Madaxweynaha Hirshabelle oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Madaxweynaha Hirshabelle oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baydhabo
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 08 2020
—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamee Cabdi Waare ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa Madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud.

Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, waxaana ay leeyihiin shir gaar ah.

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa shir ku leh Baydhabo, iyagoo uga hadlaya xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii heshiiskii Dhuusamareeb loo adkeyn lahaa.

Ujeedka saddexdan dowlad goboleed ayaa ah sidii ay uga soo horjeesan lahaayeen in wax laga bedelo heshiiska Shirkii Dhuusamareeb 3, isla markaana aanay waji gabax ula kulmi lahayn marka ay yimaadaan Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa berri tagaya Baydhabo, waxaa la sheegayaa inuu lahaa fikirka ah shirka Baydhabo inay isugu yimadaan isaga iyo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, si iyagoo mideysan ay shirka Muqdisho uga qeyb galaan ulana tagaan hal aragti.

Maalinta jimcaha ayaa la filayaa in Madaxdan dowlad Goboleedyada saddexda ah ee lagu tiriyo inay xiriir dhow yihiin Dowladda Federaalka inay soo gaaraan Muqdisho


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post