924 Views

Amniga Dhuusamareeb oo la adkeeyey & Kheyre oo ku wajahan

Amniga Dhuusamareeb oo la adkeeyey & Kheyre oo ku wajahan
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 27-002019 | —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in uu dhawaan gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Shalay Gelinkii dambe waxaa dhuusamareeb tegay qaar kamid ah Ilaaladiisa gaarka ah iyo Shaqaalaha xafiiskiisa ,waxaana aad loo adkeeyey Amniga Guud ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM.

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato Xubnaha Hoggaanka Ahlusunna iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,waxaana u jeedka safarkiisa uu yahay in uu la socdo habka xulista Xildhibaannada Galmudug.

 

Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa jirtay cabasho ay muujinayeen Beelaha qaar ee Galmudug oo sheegay in Xubnaha qaar oo ay ku lahaayeen Baarlamaanka Galmudug la siiyey Urur gaar ah ayna kamid yihiin 20 Xildhibaan ee la siiyey Ahlusunna Wal-Jamaaca.

 

30-Bishaan oo ay ka harsan tahay muddo Saddex Cisho ah ayaa qorshuhu yahay in lagu dhawaaqo liiska Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in cabashada jirta aawgeed ay macquul tahay in dib loo dhigo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment