630 Views

BBC-da oo raaligalin siisay taageerayaasha Manchester United

BBC-da oo raaligalin siisay taageerayaasha Manchester United
____________________________________________________________________________

Talaado: May 24, 2022

Idaacadda BBC-da ayaa raaligalin ka bixisay weedh xadgudub ku ah kooxda Manchester United, taas oo kasoo muuqatay shaashahada taleefishinka BBC-da ah.

Weedha ayaa ahayd “Manchester waa wasaq” ayaa dhalisay caro iyo hadal hayan , balse wuxuu ahaa qalad dhacay oo aanan ku talogal ahayn.

Annita Mcveigh oo ka tirsan daadihiyeyaasha BBC-da ayaa raaligalisay dhammaan taageerayaasha kooxda haddii ay ka xumaadeen kalmadda, waxayna sheegtay in qof tabobar ku jiray oo baranayay qaabka qoraalada loogu qoro shaashahada uu si aanan ku talogal ahayn ugu qorey erayadan.

War qoraal ah oo ay BBC-da soo saartay ayay ku bixisay raaligalin, waxayna sheegtay in aysan ahayn arrin ku talogal ah.

Kooxda Manchester ayaa xilli ciyaareedkan hoos uga dhacday heerkii ay ciyaaraha ka joogi jirtay, iyada oo ka hartay horyaalka Champions league, kana gashay kaalinta 6-aad.

Tabobaraha cusub ee kooxda Erik Ten Hag ayaa ah kii lixaad oo ay kooxda yeelato tan iyo markii Sir Alex Ferguson uu hawlgab noqday sanadkii 2013-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post