411 Views

Prof. Abdulkadir Basheer oo lagu soo daray liiska 100-ka qof ee ugu saameynta

Prof. Abdulkadir Basheer oo lagu soo daray liiska 100-ka qof ee ugu saameynta
____________________________________________________________________________

Axad, 29 Janaayo [Qaranimo Online] Liiska shaqsiyaad-ka ay u aqoonsatay Majalada Somali Magazine in ay yihiin 100-ka qofood ee ugu saameynta badan Soomaaliya, ayaa lagu soo daray Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Accord Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed.

Shaqsiyaadka 100-ka ee ay Majaladu  soo bandhigtay ayaa  isugu jiraan siyaasiyiin, dhaqaatiir, shaqsiyaad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, bahda waxbarashada, gancsiga iyo fanka.

Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed ka sokow inuu yahay Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Accord, sidoo kale waa Xoghayaha guud ee Hay’adda UNSOMALIA, wuxuuna door weyn ka qaatay dib u habeynta & casriyeynta waxbarashada Soomaaliya.

“Prof. Abdulkadir, waxaan oran karaa wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka raasumaalka u ah Qaranka, wuxuu waqti & juhdi geliyay inuu soo saaro dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku taqasusay qeybaha kala duwan ee cilmiga” Ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Xassan oo ka mid ah maamulka Jaamacadda Accord, isaga oo intaasi ku daray in waddan kasta marka ay mushkilad ku timaado in ay u soo gurmadaan dadkiisa aqoonta la bidayo.

C/risaaq Maxamed wuxuu sheegay in maamulka Jaamacadda & Hay’adda UNSOMALIA ay sharaf u tahay in ay ugu hambalyeeyaan Prof. Abdulkadir xulshada Somalia Magazine.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post