939 Views

Ra’iisal wasaare Rooble oo ka hadlay cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka

Ra’iisal wasaare Rooble oo ka hadlay cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________


Axad: November 28, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, ayaa kala hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada.

Sidoo kale, Wuxuu hoosta ka xariiqay in hufnaanta doorashada ay sal u yihiin saddex arrimood oo kala ah madax bannaanida guddiyada doorashooyinka, ilaalinta habraacyada doorashooyinka iyo caddaalada iyo xalinta khillaafaadka.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka waxaa si habsami leh uga socda doorashada xildhibaanada golaha shacabka halka qaarka kalena la filayo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post