399 Views

Somaliland oo kala hadashay Q.M iyo Miowga Yurub dabkii khasaaraha geystay ee ka kacay suuqa Waaheen

Somaliland oo kala hadashay Q.M iyo Miowga Yurub dabkii khasaaraha geystay ee ka kacay suuqa Waaheen
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 7, 2022

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland,wuxuu shir gudoomiyey shir ay isugu yimaadeen Gudida heer Qaran ee taakulaynta Suuqa Waaheen iyo Wefti ka socday wadamada saaxibka la ah Jamhuuriyada Somaliland, kuwaasoo dalka u yimi in ay qiimeeyaan dhibaatadii waynayd ee ka dhacday Suuqa Waaheen Habeenimadii Sabtida  ee wiigan sii dhamaanaya.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay halka ay marayso qiimaynta khaasaraha ee ilaa hada la sameeyey, iyada oo weftiga uu war bixin dheer siiyey Gudoomiyaha Gudida Heer Qaran, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Cabdirisaq Albaani Xuseen oo ka waramay talaabooyinka la qaadayo oo ay ka mid tahay nadiiftinta Suuqa Waaheen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo kulankan shir gudoominayey ayaa isna dhiniciisa war bixin ka siiyey weftiga Beesha Caalamka, isaga oo ugu mahadnaqay sida ay shacabka Somaliland iyo Dawladaba ula wadaageen sida ay ugu xun yihiin dhibaatada soo gaadhay Suuqa Waaheen.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Ciise Kayd iyo xubno ka mid ah Gudida Heer Qaran ee taakulaynta Suuqa Waaheen ayaa iyana ka hadlay shirkan muhiimka ahaa ee ka qabsoomay Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland.

Weftiga ka socday Beesha Caalamka oo isugu jirey  Midawga Yurub iyo Qaramada-midoobay ayaa sheegay sida ay ugu xunyihiin dhibtaa ku dhacday Ganacsiga Suuqa Waaheen, iyaga oo sheegay in ay barbar taagan yihiin shacabka Somaliland iyo Xukuumadaba.

Shirkan waxaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ku wehelinayey Wasiir Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Ciise Kayd, Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr. Cumar Cali Cabdilaahi,  Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Muuse Ibraahim Selef, Maayor Caasimada Hargeisa Cabdikariim Axmed Mooge, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid, Lataliyaha Madaxweynaha ee Hay’adda Qaramada-midoobay Dr. Maxamed Warsame iyo Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka Jaamac Muuse Jaamac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post