897 Views

Dalka Shiinaha oo ka walaacsan tirada dadkiisa oo kordhaya Sanad kasta

Dalka Shiinaha oo ka walaacsan tirada dadkiisa oo  kordhaya Sanad kasta
____________________________________________________________________________

May 11,  2021

Kororka tirada dadka Shiinaha ayaa kusii dhowaaneysa eber, ayada oo lamaanayaasha caruurta dhalaya ay sii yaraanayaan, waxaa sidaa Talaadadii sheegtay dowladda.

Arrintan ayaa sii kordhineysa culeyska haysta dowladda ee ah bulshada oo sii gaboobeysa iyo tirada dadka shaqeeya oo sii yaraaneysa sanad kasta.

Dadka Shiinaha ayaa waxaa tobankii sano ee tegay ku kordhay kaliya 72 milyan oo qof, ayaga oo gaaray 1.41 bilyan oo qof, sida uu sheegay Xafiiska Tirakoobka Qaranka.

Xafiiska ayaa intaas ku daray in cel-celisa kororka dadka uu sanadkiiba ahaa 0.53%, tobankii sano ee tegay ee ku idlaaday 2020, taasi oo ka hooseysa 10-kii sano ee ka horeeyey ee 2000 illaa 2010.

Hoggaamiyayaasha Shiinaha ayaa 1980-kii dhaqan-geliyey xadeyn lagu sameynayey tirada ilmaha ay dhali karaan lamaanaha, si loo xakameeyo kororka dadka, hase yeeshee waxay iminka ka walaacsan yihiin inay sii yaraanayaan dadka ku jira da’da shaqada, taasi oo dhaawaceysa in la abuuro dhaqaale baraara.

Inkasta oo 2016-kii ay dowladda dabcisay siyaasadda xadeynta ilmaha, haddana lamaanaha ayaa iskood u doorta inaysan caruur yeelan sababo la xiriira qarashka nolosha oo sarreeya, guryaha oo ciriiri ah, iyo takoor dhanka shaqada ah oo lagu sameeyo hooyooyinka.

Celiska ilmaha ay dhalaan haweenka Shiinaha ayaa ah 1.6 canug haweeneydiiba, taasi oo aad uga yar celi-celiska loo baahan yahay ee ah 2.1, si loo helo dad da’yar oo beddela kuwa gabooba ee shaqada ka fariisanaya ama dhimanaya, si bulshada usii jirto, loona helo dad shaqeeya oo dhaqaalaha dalka kobciya.

AP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post