237 Views

Golaha Ammaanka QM oo go’aan ka soo saaray xayiraadaha ay dumarka ku soo rogtay Maleeshiyaadka Taalibaan

Golaha Ammaanka QM oo go’aan ka soo saaray xayiraadaha ay dumarka ku soo rogtay Maleeshiyaadka Taalibaan
____________________________________________________________________________

 Arbaco: December 28  2022 

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ururka Taalibaan ee ka arrimiya dalka Afqaanistaan ka dalbaday in si deg deg ah uu uga noqdo mamnuucidda uu ururkaasi haweenka ka mamnuucay in ay ka shaqeeyaan hay’adaha samafalka.

Golahani oo ka kooban 15-ka xubnood ayaa sheegay in wax aad looga walaaco ay tahay xayiraadaha Taalibaanku ay ku soo rogeen dumarka dalkaasi, kuwaa oo ay sheegeen in ay lid ku yihiin ballanqaadyadii ururkani uu u sameeyay shacabka dalkaasi markii uu xukunka la wareegay.

Taliban ayaa todobaadkii hore xirtay shan haween ah oo ka qeyb qaadanayay banaanbax ka dhacay caasimada Afgaanistaan ​​ee Kabul, kaasoo looga soo horjeedo mamnuucida waxbarashada dumarka.

Saddex wariye ayaa sidoo kale la xiray. Tan iyo markii ay dib ula wareegeen gacan ku haynta dalka sannadkii hore, Taliban waxay si joogto ah u xakamaysay xuquuqda haweenka – inkastoo ay ballanqaadeen in xukunkoodu uu ka duwanaan doono nidaamkoodii hore.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post