1359 Views

Toogasho ka dhacday Mareykanka

Toogasho ka dhacday Mareykanka
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL | June 1,, 2019  –Inta la xaqiijiyay 12 qof ayaa ku dhimatay toogasho ka dhacday dhismooyiin ay dowladda leedahay oo ku yaalla gobolka Virginia ee dalka Mareykanka sidda ay sheegeen Ciidanka Booliska

 

Ciidanka Booliiska ayaa waxay sheegeen in qofka looga shakisan yahay in  uu ahaa shaqaala ka howlgali jiray magaalada Virginia Beach, islamarkana “si aan kala sooc lahayn” uu rasaas ugu furay dhismaha.

Ninkii weerarka geystay ayaa ugu dambeyn waxaa toogtay Ciidanka Booliska ka dib markii ay dhowr daqiiqo uu dagaallamay.

 

Saraakiisha booliiska ayaa waxay sheegeen in hal askari uu is rasaasayntaasi uga dhaawacmay.

 

Goobta ayaa waxaa xiray booliiska islamarkana shaqaalaha ayaa halkaasi laga daadgureeyay.

 

“waxaan maqalnay dadka oo qaaylinaya, ,” ayuu yiri Megan Banton, oo ah maamul ku xigeenka dhismaha la weeraray.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment