1005 Views

C/raxmaan C/Shakuur oo Farriin u diray Dowlad Goboleedyada

C/raxmaan C/Shakuur oo Farriin u diray Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 20 2020
—Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay hadalkii habeen ka hor uu ka jeediyey munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya oo ahaa in uu danta dal uga tanaasulay doorasho qof iyo Cod ah oo uu ku adkeysanayay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasulay muddo kororsi, hayeeshee uusan wx tallaabo ah u qaadin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.

Farmaajo wuxuu ka tanaasulay muddo kororsi, oo ka shaqeyneyay muddadii uu joogay, isagoon doorashada qof iyo cod hal tallaabo dhankeeda u qaadin muddadii uu joogay. Sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada waa iney xaqiijiyaan meel marinta heshiiskan ayuu yiri” C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Ugu dambeyn Siyaasiga ayaa waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowlad goboleedyada waa iney xaqiijiyaan meel marinta heshiiska doorasho oo ay la galeen Madaxweyne farmaajo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post