933 Views

Golaha Shacabka oo dalbadey in la joojiyo Jaadka laga keeno Kenya

Golaha Shacabka oo dalbadey in la joojiyo Jaadka laga keeno Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isiin  , March 16, 2020 —Kulan gaar ah oo ay Maanta yeesheen GGuddiyada Arrimaha bulshada,Gaadiidka iyo Maaliyadda Golaha shacabka ayaa waxaa ay go’aan deg deg ah uga soo saareen Jaadka (Qaadka) Kenya ka yimaada ee la keeno Soomaaliya maadaama dalkaasi lagu arkay dad qaba Cudurka Caronavirus.

 

Xubnaha Gudiga oo dhamaantood ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in laga fiirsado jaadka Soomaaliya uga yimaado Kenya sababo la xiriira caabuqa Caronavirus oo dalal badan uu saameyn weyn ku yeeshay.

 

 

 

Gudoomiyaha Guddiga arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu kasoo gaarayo cabashooyin ku aadan Cudurka Carona,isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay si KMG ah u joojiso qaadka ka yimaada wadamada adreiska.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in jaadka (qaadka) Gacmaha looga soo guro beeraha,taasina ay sababi karto in dad qaba cudurka Caronavirus ay soo guraan sidaasina Soomaaliya kusoo gaarsiiyaan.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay joojiso ax kasta oo keeni kara cudurkaas,sida duulimaadyada ka imaanaya wadamada Cudurka uu saameeyey keenista qaadka iyo waxyaabo kale.

 

Xildhibaano kale oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa si la mid ah u sheegeen in laanta fulinta ee Xukuumadda ay ugu baqayaan inay qaadato hadalkaan kasoo yeeray Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka,isla markaana la joojiyo qaadka ka yimaada wadamada deriska oo ay ugu horeeyso Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment