900 Views

Villa Somaliya oo aad uga carootay Warkii shalay ka soo yeeray Wasiirka Galmudug ee ahaa bur burka shirka

Villa Somaliya oo aad uga carootay Warkii shalay ka soo yeeray Wasiirka Galmudug ee ahaa bur burka shirka
____________________________________________________________________________


Sabti: September 25, 2021

Xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad uga carooday war shalay ka soo yeeray Wasiirka warfaafinta Galmudug ee ahaa in uu Bur buray shirkii u socday farmaajo iyo Rooble.

Wasiir Falagle ayaa shalay sheegay in uu bur buray shirkaas, asaga oo eeda dusha kaga tuuray Villa Somaliya oo uu sheegay in ay ka soo dabci waysay Go’aamo.

Intaas kadib mas’uul ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin ayaa BBC-da u sheegay in wada-hadallada ay wali socdaan, islamarkaana uu filayo inay guul ku soo dhammaadaan..

Sidoo kale Xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaan illaa hadda ka hadlay burburka ku yimid wada-hadallada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post