1038 Views

Kaluumeysato Soomaaliya oo ka digay inuu nabaad guurayo nooc kamid ah kalluunkii Somali

Kaluumeysato  Soomaaliya oo ka digay inuu nabaad guurayo nooc  kamid ah kalluunkii Somali
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Kaluumeysatada maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ka digay inuu nabaad guurayo noocyo kamid ah kalluunkii halkii ku noolaan jirey.

Kalluumeysatada ku nool degmada Eyl, ayaa sheegaya in badda laga la’yahay noocyo ka mid ah kalluunkii lagu yaqaanay, oo ay ka jalaaban jireen dadka halkaasi ku nool.

Caasho Cabdikariin (Caasho Eyl) oo 30-kii sano ee u dambeysay ka shaqeysanaysay kaluunka, ayaa weriye Axmad Cawil Jaamac u sheegtay noocyada kalluunka ee laga waayay.

Noocyada la waayey ayey Caashu ku tilmaantey iney kamid yihiin kuwan soo socda sida Libaax cadka, Miishaarka, Maafooska, Lug Cadda, Caweer iyo Nibiraanka.

Kalluumeysatadu waxay arrintaasi u aaneynayaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ahi uga kalluumeysto badda, kuwaa oo sida ay sheegayaan xaalufinaya badda.

Kaluumeysatada Soomaaliya ayaa ku eedeeyey iney jiraan maraakiib xaalufin ku haya kheyraadka ku jira badda, inkastoo iyaguna lagu eedeeyey iney falal burcad badeednimo kulug leeyihiin.

Ma jiraan ciidan bad oo ay leedahay Soomaaliya, oo si buuxda u ilaalin karo xuduudaha badda, taasoo keeneysa in maraakiib ay si sharci daro kusoo galaan biyaha.

Dalka Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer Africa, inkastoo haddana ay yar tahay sida ay ugga manaafacaad sadaan Soomaalida kheyraadka balaaran ee dhex ceegaaga badda baaxaddaas leh.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post