1254 Views

War deg deg ah: Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday iyo Gudoonka baarlamaanka waqtigooda dhamaaday oo gaaray xarunta Golaha shacabka..

War deg deg ah: Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday iyo Gudoonka baarlamaanka waqtigooda dhamaaday oo gaaray xarunta Golaha shacabka..
____________________________________________________________________________

May-1-2021

Waxaa goor dhawayd Xarunta baarlamaanka gaaray Gudoonkii baarlamaanka ee waqtigiisa dhamaaday iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo oo lagu wado in uu saakay qudbadii ugu danbeysay u jeediyo Barlamaankii dhacay.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamnaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa daqiiqadaha soo aadan in uu hortago Xildhibaanada golaha shacabka una u jeediyo khudbad.

Farmaajo ayaana Xildhibaanada kala hadli doona arimaha doorashada gaar ahaan mudo kororsigii ay sameesten balse socon waayay kadib markii dagaalo iyo khalalaase kalaba ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Golaha shacabka ayaa ku xaadiray halkaas, si ay u dhageestaan Madaxweynaha ay maalmo ka hor u kor dhiyeen sharciga Balse lagu guul dareestay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post