975 Views

Soomaali Hanti farabadan looga boobay dalka Koonfur Afrika

Soomaali Hanti farabadan looga boobay dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Khasaaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo xooggan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika kasoo gaaray rabshadihii ka dhacay meelo kamid ah dalkaas.
Meelaha ugu daran ee khasaaraha hantiyadeed uu kasoo gaaray rabshadihii ka dhacay dalka Koonfur Afrika Ganacsatada Soomaalida  ayaa waxaa kamid ah degaano ku yaal duleedka Magaalada johanispeg iyo degaano kale.

Xasan Cumar & Maxamed Suufi Axmed oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hanta waayay boobkii ka dhacay gobolka Qowteyn ayaa sheegay in boobka uu ahaa mid an loo kala saarin Soomaalida, Ajaanibta kale iyo waliba Ganacsatada ku dhashay dalkaas.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in laga boobay hanti lagu qiimeeyay in ka badan 800, 000 oo Dollar, kadib markii burcad Koonfur Afrikan ah ay boobee, sidoo kalena ay jiran ganacsato kale oo hantidooda la  boobay.
Rabshadihii ka dhacay magalyin ka tirsan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu saameyn weyn ku yeeshay Soomaalida ku ganacsatada dalkaas, iyada oo ay jiraan ilaa 5 Dhalinyaro Soomaali ah oo rashadaha lagu dilay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post